Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dagaal la isku habeensaday oo ka dhacay Bacaadweyn & Galmudug oo ka hadashay

Degaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug waxaa galabta ka dhacay dagaal dhexmaray dadka Degaanka iyo Milateriga Soomaaliya oo isku dhinac ah iyo kooxda Al-Shabaab, iyadoo dagaalkan uu soo gaaray fiidnimadii caawa

Dagaalka ayey wararku sheegayaan inuu bilowday markii hoobiyeyaal lagu soo tuuray Magaalada Bacaadweyn kadibna waxaa goobta laga soo tuuray ku baxay ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda iyo dadka degaanka, taasoo keentay iney fooda isdaraan xoogagag Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in khasaaro xoog leh la gaarsiiyey xoogagii Al-Shabaab ee dagaalka soo qaaday

“Ciidamada Qalabka sida, kuwa amniga Galmudug iyo ciidamada deegaanka Bacaadweyn ayaa galabtay weeraray saldhigyada kooxda Argagixisada Alshabaab ay ka samaysteen agagaarka magaalada Camaara, Ciidamada Galmudug ayaa la wareegay saldhigii kooxda khwaarijta, iyadoo argagixisadu halkaas ay kala guddoomeen dhimasho badan iyo dhaawac” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaarada amniga Galmudug.

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo jiidda hore ee dagaalka ku sugan ayaa ugu hambalyeeyey ciidamada amniga guusha ay dagaalkii galabta ka soo hoyeen sida lagu sheegay qoraalka ay soo saartay Galmudug.

Ma jiraan faahfaahin ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalkan galabta ka dhacay degaanka Bacaad-weyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ilyaas Aadan oo ka hadlay Sababta aan loo toogan mid kamid ah ragii dilay gabadhiisa

Cabdi Cade

Raisul Wasaare Rooble oo si kulul uga hadlay qaraxa lagu dilay Xildhibaanad Aamino

Caydiid Ali

Farmaajo oo Telfoon kula hadlay Marwadii Cali Khaliif amarna siiyay Xukuumada Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---