Maraykanka oo Madaxweyne Farmaajo uga digay qabashada doorasho hal dhinac ah

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay waxay ku sheegtay inaan la ogolaan karin inay dalka ka dhacdo doorasho qabyo ah, ama doorasho la isku dhinac wado iyo gacan ka hadal.

Warka qoraalka ah ee safaaradda oo si diblamaasiyad leh loo dhigay ayaa u muuqda mid looga digayo dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo inay qabato doorasho aan loo dhameyn iyo in ciidamda dowladda loo adeegsado boobka doorashada.

Madaxweyne Farmaajo oo isu diyaarinaya sidii uu talada dalka kusii joogi lahaa ayaa gobalka Gedo iyo Beledweyne geeyay ciidamo loo qorsheeyay in loo adeegsado soo saaridda xildhibaano daacad u ah Villa Somalia, arrintaas oo mucaarad xooggan ay ka dhalatay.

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa ku sheegay qoraalka mid horseedaya in dalka ay ka dhacdo doorasho wadar ogol ah oo looga badbaado in la qabto doorashooyin isbar socda.

Qaramada midoobay, Midawga musharrixiinta, bushada rayidka ah iyo dhammaan daneeyaasha arrimaha Soomaaliya ayaa horay ugu taliyay in dalka laga qabto doorasho wadar oggol ah si loo joogteeyo hannaanka dimuquraadiga dalka iyo awood isku wareejinta madaxda oo si nabdoon ku dhacda.

Warka kasoo baxay Mareykanka ayaa kusoo aaday iyadoo ay socdaan dadaallo lagu baadi goobayo hannaan lagu heli karo doorasho nabdoon oo horseedda xasilooni iyo horumar.

Madaxweyne Farmaajo oo mudda xileedkiisa maalma kooban ka hareen iyo taliyihiisa Nabad sugidda ayaa horay dhegaha uga fureystay baaqyo lagu dalbanayay in doorashada aan la boobin, lamana oga sida ay ugu dhega nuglaan karaan dalabkaan oo u muuqda digniintii ugu dambeysay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -