Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Raisul Wasaare Rooble oo si kulul uga hadlay qaraxa lagu dilay Xildhibaanad Aamino

Raisul wasaaraha Somalia Maxamed Xuseen Rooble ayaa si kulul uga hadlay qaraxyadii caaha hareeyey Magaalada Baladweyne oo lagu dilay dadf badan oo ay ku jirtay xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi.

Qoraal uu Rooble soo dhigay baraha bulshada ayuu hadalkiisa ku bilaabay sidatan:

Waxaan erayada ugu adag ku cambaareynayaa falkii argagixiso ee caawa lala beegsaday Allaha u naxariistee xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo lagu dilay Baladweyne.

Waxaan murugada la qeybsanayaa ugana tacsiyeynayaa qoyskeedii iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed geerida Xildhibaan Aamina.

Waxaan farayaa hay’adaha amniga ee ku shaqada leh in ay baaritaan waafi ah ku sameeyaan sidii uu u dhacay falkan waxshinimo ee lagu dilay xildhibaanadda.

Xildhibaan Aamina oo tusaale u ahayd matalaadda shacabka iyo baadi doonka caddaaladda, waxay dadkeeda iyo dalkeeda ugu soo shaqeysay sida ugu wanaagsan ee karaankeeda ah.

Waxaan Eebbe uga baryayaa in uu jannadii Firdows ugu deeqo, ehelkeeda iyo ummadda Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo.

Related posts

Soomaaliya iyo Sweden oo kala saxiixday heshiis Is-afgarad laba-geesood ah (Sawirro)

Cabdi Cade

Puntland oo ka hadashay duqeyn hal qoys lagu laayay oo xalay dhacday

Cabdi Cade

Golaha Wasiirada Khaatumo oo magac yaab leh u bixiyey Somaliland

Caydiid Ali
Taboola Ads ---