Maareeyihii dekadda Kismaayo & dad kale oo ku dhintay dagaal ka dhacay Magaaladaas

Maareeyihii dekadda Magaalada Kismaayo Cawil Cali Barre iyo laba qof oo kale ayaa caawa lagu dilay iska horimaad caawa ka dhacay magaaladaas sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya

Iska hoimaadka ayaa dhexmaray ciidamo ka wada tirsan Maamulka Jubbaland, waxayna bilaabatay markii isgoyska Golol oo u dhaw aargada magaalada ay isku fara saareen ciidamo ka tirsan Nabad sugidda Jubbaland oo halkaas bar control ku leh iyo kuwa ilaalada Axmed Madoobe oo wadada marayey.

Ka dib rasaas muddo kooban socotay ayaa waxaa ku dhintay halkaas saddex qof oo uu ku jiray Maareeyihii  dekadda Kismaayo marxuum Cawil Cali Barre, kuwaasoo degenaa xaafado ku dhow goobta iska horimaadku ka dhacay.

Khasaare kale oo nafeed ayaa la sheegay inuu soo kala gaaray ciidamadii dagaalamay, balse weli wax faahfaahin ah lagama hayo, waxaana dhamaan xaafadaha Kismaayo laga dareemay xiisada ka dhalatay iska horimaadka caawa halkaas ka dhacay oo illaa hadda maamulka Jubbaland aysan ka hadlin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -