Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

War cusub oo ka soo kordhay xiisadii u dhexeysay dalalka Turkey iyo Giriiga

Dowladaha Turkey iyo Greece ayaa berri oo Isniin ah billaabi doona wadahallo fool-ka-fool ah, tallaabadaas oo tijaabo u ah rajo laga qabo inuu hagaago xiriirka Turkiga iyo Midowga Yurub Kadib shan sano oo ay ku muran-sanaayeen biyaha badda Mediterranean-ka.

Wadahadallada ayaa ka danbeeyay kaddib marki Turkiga uu hakiyay, baaritankiiisii gaaska ee biyaha lagu muransanyahay ee ka careysiisay dowaldaha Greece iyo Qubrus.

Wadahadallada labada dhinac ayaa la filayaa inay waddada u xaarto booqasho ay Turkiga ku tagaan hogaamiyaasha Midowga Yurub.

Midowga Yurub ayaa horey cunaqabteyno kooban u saaran Turkey, kuna hanjabay kuwa adag, haddii Ankara ay sii waddo baaritaanka gaaska ee biyaha badda Mediterranean-ka.

Madaxweyne Erdogan ayaa ku eedeeyay Midowga Yurub Iska-indha-tirid istaraatiijiyadeed oo ku wajahan Turkey, balse sheegay inuu diyaar u yahay hagaajinta xiriirka Turkey iyo Midowga Yurub.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliska dalka Sweden oo dacwad ku soo oogay nin ku caan baxay Islaam naceybka

Caydiid Ali

Turkiga oo Somalia u soo diray markab sida Gargaar (Sawirro)

Caydiid Ali

Meydka haweeney labo cisho la weysanaa oo laga helay xaafad ka tirsan Baydhabo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---