(Sawirro) Qoor-qoor & James Swan oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Dhuusamareeb

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Mudane James Swan iyo qaar ka mid ah madaxda Hay’adaha Qaramada Midoobay sida Hay’adda Cunada Aduunka ee WFP iyo  Barnaamijka Horumarinta ee UNDP.

Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa kulanka ku  wehliyay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, Gud. Xigeenka Baarlamaanka GM iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada Galmudug.

Kulanka ayaa looga hadlay qorshayaasha horumarineed ee kasocda Galmudug sida horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada, dhismaha iyo dhameystirka dowladaha hoose, arrimaha bini’aadanimada, amniga iyo arrimaha doorashooyinka Dalka.

Ugu danbeyntii, shirka ayaa kusoo dhamaaday si guul ah ayadoo la isku afgartay wada shaqeyn joogta ah sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweuynaha Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -