Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Booliska dalka Sweden oo dacwad ku soo oogay nin ku caan baxay Islaam naceybka

Booliska magaalada Malmö ee dalka Sweden, ayaa dacwad ku soo oogay nin lagu eedeeynayo inuu sameeyey falal isir naceyb iyo ihaaneynta diinta Islaamka ee ay rumeysan yihiin qowmiyadaha laga tirada badan yahay ee Sweden ku nool.

Ninkan oo lagu magacaabo Rasmus Paludan oo ka soo jeeda dalka Denmarka kuna caan baxay naceybka diinta Islaamka isagoo caadeystay inuu kitaabka quraanka kariimka ah gubo.

Dalalka Yurub ayaa qaarkood bilaabay in ay isha ku hayaan ninkan iyo dhaqdhaqaaqyadiisa, kuwaasoo ku daray liiska shaqsiyaadka loo arko in ay xasiloonida bulshooda wax u dhimayaan.

Jarmalka ayaa labbo jeer dib ugu celiyey ninkan iyo koox la socotay Denmark, halka Faransiiska iyo Biljim ay diideen codsigiisii uu ku doonayey inuu Quraanka ku gubo dalalkooda, iyagoo u arkayey ineeysan faa’iido ugu jirin tallaabo ceynkaas ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Dad badan oo ku dhintay roob xoog leh oo xalay ka da’ay magaalada Qardho

Cabdi Cade

Ururka Iskaashiga Islaamka oo War kasoo saaray gardarada iyo xag-gudubka Ethiopia

Cabdi Cade

Pope Francis oo War ka soo saaray abaaraha ku dhuftay Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---