Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Meydka haweeney labo cisho la weysanaa oo laga helay xaafad ka tirsan Baydhabo

Meydka haweeney Magaceeda lagu sheegay Aamino Maxamed Malaaq ayaa laga helay xaafad ka tirsan magaalada Baydhabo ka dib markii muddo labo cisho ah la weysanaa.

Laamaha amaanka Koonfur galbeed ayaa haweeneyda meydkeeda ka soo saaray meel musqul ah oo ku dhex taalla guri Jiingad ka sameysan iyadoo garbaduub u xiran.

Haweeneydan oo ka tirsaneyd ganacsatada magaalada Baydhabo ayaa waxaa jirkeeda ku muuqday dhaawacyo halis ah oo  sababay geerideeda.

Laamaha amaanka Magaalada Baydhabo ayaa sheegay iney baarayaan sababta iyo cida ka dambeysay dilka hooyadan.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dilka hooyadan uu ka dambeeyey nin la sheegay iney ku laheyd lacago fara badan oo deyn ah kaasoo magaciisa lagu soo gaabiyey Goomey.

Related posts

Madaxweyne Xasan oo si adag uga hadlay wax ka bedelka Dastuurka ay Farmaajo iyo Shariif…

Cabdi Cade

Itoobiya & TPLF oo isku maandhaafsan fulinta qodob ka mid ah heshiiskii Nabada

Caydiid Ali

In ka badan 20-Musharax oo isku soo taagay Doorashada Guddoonka gollaha shacabka (Magacyada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---