Liiska Dalalka Milatari ahaan ugu awooda badan Afrika oo la shaaciyay iyo Somalia oo …

Waxaa lasoo saaray liiska 35-ta wadan ee dhinaca milatariga ugu awooda badan Qaarada Afrika , waxaana liiskan hogaanka u heysa Dowlada Masar iyadoona wadanka ugu hooseeya liiskan lasoo saaray uu noqday dalka Liberia.

Wargeyska Global Firepower oo ka faalooda awoodaha milatariga caalamka ayaa soo saaray liiska wadamada ugu awooda badan dhinaca Milatariga Qaarada iyo kuwa awood ahaan ugu liita.

Dalka Soomaaliya oo milatari ahaan mudo sanado ah bur bursanaa ayaa hada isbadal dhinaca milatariga ah sameenaya, Soomaaliya ayaana kamid ah dowladaha dhanka milatariga ugu liita Afrika balse waxaa jirta dowlado kasii hooseeya.

Soomaaliya ayaana liiskan lasoo saaray ee ka kooban 35-wadan oo kamid ah wadamada Qaarada Afrika kaga jirta kaalinta 34-aad, waxaana Soomaaliya kasii hooseeya oo kaalinta 35-aad ku jirta dowlada Liberia.

Dalka Masar ayaana noqday sanadkan wadanka ugu awooda badan qaarada Afrika dhinaca milatariga waxaana kusoo xiga Wadamada Aljeria, Koonfur Afrika, Nageria, Maroko iyo dalka Itoobiya.

Wargeyska Global Firepower ayaana soo saaray 35 waddan oo kaliya oo kuyaala Qaarada Afrika , halka dalalka Afrika ay ka badan yihiin 50 waddan, waxa ayna taasi ka dhigan tahay in dalalka kale aan lagu soo darin liiska ciidamadooda aysan dhisneyn.

Halkan ka AKhriso Liiska 35-ta Wadan ee ugu awooda badan Qaarada Afrika

  • Masar
  • Aljeeriya
  • Koonfur Afrika
  • Nigeria
  • Morocco
  • Itoobiya
  • Angola
  • Liibiya
  • Tuniisiya
  • Suudaan
  • Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Kongo
  • Kenya
  • Zambia
  • Uganda
  • Chad
  • Zimbabwe
  • Ghana
  • Niger
  • Mali
  • Botswana
  • Cameroon
  • Suudaanta Koonfureed
  • Tanzania
  • Ivory Coast
  • Mozambique
  • Jamhuuriyadda Kongo
  • Madagascar
  • Muritaaniya
  • Namibia
  • Burkina Faso
  • Afrikada Dhexe
  • Gabon
  • Sierra Leone
  • Soomaaliya
  • Liberia

 

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -