Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Guddiga dib u eegista & la socodka Dastuurka ee BFS oo talaabo xasaasi ah qaaday

Guddiga dib u eegista iyo La-socodka Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka JFS ayaa maanta kala wareegay Guddiga madaxa bannaan ee Dastuurka KMG ah soo-jeedinnada nuqulka kama danbaysta ah oo lagu soo dhafay talooyinkii iyo aragtiyihii mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo lagu soo bandhigay nuqulka kama dambaysta ah ee cutubyada 1aad – 4aad ee Dastuurka KMG ah ee ka soo gudbay marxaladda labaad, isla markaana waxaa loo dul istaagay  qodob qodob

Sidoo kale waxay hubinayeen habka loo soo qaabeeyay looguna badalay luqad dastuur aragtiyadii iyo soo-jeedinnadii Mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

labaqa aqal ee baarlamanka Somalia oo soo gebagebeeyey dooda wax ka bedelka iyo dhameystirka dastuurka qeybo ka mid ah ayaa la filayaa iney dhowaan cod ku ansixiyaan ama ku diidaan.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka iyo maamulka Puntland ayaa si weyn uga soo horjeeda qorshahan, iyagoo sheegaya in marka hore loo baahan yahay in la tashi lagala sameeyo iyaga iyo qeybaha kale ee bulshada.

 

Related posts

James Ibori oo lagu amray in uu bixiyo lacag gaareysa $130 milyan oo Dollar

Cabdi Cade

In ka badan 120 Maxbuus oo ku xirnaa Xabsiga Dhaxe iyo MBC oo cafis loo fidiyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Maleeshiyaad la wareegay dhul dowladda ka burburisay dadkii deganaa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---