Joe Biden oo saxiixaya Wareegtooyin qaarkood saameyn ku leh Soomaalida

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa lagu wadaa inuu saxiixo dhowr wareegto saacadaha ugu horreeya, marka xilka loo caleema saaro Arbacada soo socota.

Sida uu sheegay ninka uu u xushay inuu noqdo madaxa shaqaalaha Aqalka Cad, Biden ayaa amarrada madaxweyne ee uu saxiixi doono Arbacada ay intooda badani noqon doonaan kuwo uu ku burrinayo amarro uu horay saxiixay madaxweyne Donald Trump.

Kuwa ugu horreeya uguna waaweyn ayaa waxaa ka mid ah laalista xayiraada socdaalka ee uu Trump saaray dalal dhowr ah oo intooda badani Muslimiin ah oo Soomaaliya ay ku jirto.

Xayiradaas socdaalka ayaa saameysay Soomaali badan oo ku jira xerooyinka qaxootiga oo ku hami weynaa in loo soo qaado dalka Mareykanka. Waxay sidoo kale u diiday Soomaalida Mareykanka ku nool qaarkood in dalka la keeno ehelladooda, sida xaasaska iyo carruurta.

Waxaa sidoo kale digreetooyinka ka mid ah kuwa lagu amrayo dib ugu laabashada heshiiska cimilada ee Paris, iyo inuu waajib ka dhigo in maaska afka lagu daboolo lagu xirto dhamaan xarumaha dowladda federaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -