Ciidamo taabacsan Dabageed oo caawa la Wareegay kontrolo ku yaala Beled-weyne

Sida ay sheegayaan Wararka naga soo gaaraya magaalada Beled-weyne ciidamo taabacsan guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed ayaa caawa la wareegay qeybo ka mid ah magaaladaas.

Ciidamadan ayaa la sheegay iney la wareegeen baro kontrol oo ku yaalla qeybo ka mid ah magaalada iyo xafiiska maamulka Maaliyada ee magaalada Belad-weyne.

Inkastoo xiisad ka dhalatay xilka ka qaadista Yuusuf dabageed ay ka jirto magaalada Belad-weyne weli lama soo sheegin wax qalalaase ah oo halkaas ka dhacay.

Shacabka magaalada Beled-weyne ayaa walaac badan ka muujinaya xiisadan ka taagan magaalada, iyagoo ka cabsi qaba in arintan ay yeelato weji kale, iska horimaadyana ay ka dhacaan halkaas.

Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilka ka qaaday gudoomiye dabageed, isagoo magacaabay gudoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan.

Talaabadan ayaa ka dambeysay ka dib markii gudoomiyihii xilka laga qaaday Yuusuf dabageed uu warbaahinta  ka weeraray Madaxweyne Waare taasoo soo dedejisay xilka ka qaadista lagu sameeyey oo uu ku gacan seyray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -