Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Daawo Sawirro) Midowga Musharaxiinta oo Shir xasaasi ah ku leh Magaalada Muqdisho

Golaha Midowga Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha ayaa waxaa haatan uu shir deg-deg ah uga socdaa hotelka Jaziira ee Magaalada Muqdisho.

Shirka oo warbaahintu bannaan joog ka tahay ayaa ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka, iyadoo si gaar ah looga arrinsanayo caqabadaha hortaaggan in ay dalka ka dhacdo doorasho heshiis lagu yahay.

Shirkan deg dega ah ayaa ku soo aadaya, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu ku dhawaaqay in Xukuumaddu ay go’aansatay in la guda galo hirgelinta doorashooyinka, si aan wakhti kale looga lumin shacabka Soomaaliyeed.

LA SOCO WIXII KA SOO KORDHA..

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Sida RW Khayre & wafdigiisa loogu soo dhoweeyey Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Mid ka mid ah dhalinyaradii laga soo tarxiilay Maraykanka oo qaraxii shalay ku baxay

Caydiid Ali

Shaqaalaha iyo ciidamada Puntland oo cabasho ka muujiyey Maamulka Saciid Deni

Caydiid Ali
Taboola Ads ---