Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Faahfaahin: Taliye ku-xigeen & askar ku dhimatay qarax ka dhacay Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax nooca miinada ah oo maanta ka dhacay degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir.

Qaraxan oo aad xoog badnaa, kana dhacay xaafada Xoosh ee degmada Dharkenley ayaa lala eegtay gaari Cabdi-Bile ah oo ay leeyihiin ciidamada Booliska Soomaaliya kaasoo ka yimid dhinaca degmada Kaxda.

Ciidamada la socday ayaa qaraxa ka dib furay rasaas xooggan oo socotay muddo kooban, taasoo aan la soo sheegin khasaare ka dhashay.

Ugu yaraan Seddax askari oo uu ku jiro Taliye ku-xigeenka saldhiga Booliska degmada Kaxda ayaa ku dhintay qaraxaas sida aan ka soo xiganay ilo dhinaca amniga ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Itoobiya oo Sahan ka bilowday dekad kutaalla dal daris la ah Soomaaliya (Wax ka ogow)

Cabdi Cade

Dibedbax weyn oo ka dhacay Muqdisho & RW ku-xigeenka oo ka qeyb galay (Sawirro)

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Kheyre oo booqday xarunta Jaamacadda caalamiga ah ee Afrika (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---