Mid ka mid ah dhalinyaradii laga soo tarxiilay Maraykanka oo qaraxii shalay ku baxay

Qaraxii shalay ka dhacay wadada Maka Al Mukarama oo ahaa kii ugu dhimashada badnaa ee toddobaadkan ka dhaca caasimada ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya 20 qof oo u badnaa dad shacab ah oo ka cunteeynayay maqaahi ku dhaweyd goobta uu qaraxu ka dhacay.

Dadka geeriyooday waxaa ka mid ahaa Ahmed Saalax Xasan oo ka mid ahaa dhalinyaro laga soo tarxiilay xabsi ku yaalla gobolka Alabama ee wadanka Mareykanka, Kadib markii ay dawladda Soomaaliya ay sheegtay in ay amaankooda damaanad qaadayso.

”Axmed waxaanu isku baranay xabsi ku yaallo gobolka Alabama, halkaasoo aanu mudo sannad ah ugu xirnayn arrimo la xariira socdaalka, nin fiican oo xabiib ah ayuu ahaa, waxaan ku xasuustaa wuxuu noo ahaa Imaam intii xabsiga aanu ku jirnay” ayuu yiri Abwaan Khaliif Xayir oo muddo sannad ah xabsiga ay ku wada jireen.

Axmed wuxuu markii hore ku noolaa dalka South-africa markii dilalkii ku bateen ayuu safar dheer u maray dalal badan oo ku yaala Latin Amerika si uu nabad galyo iyo nolol ugu raadsado Maraykanka oo ahayd meeshii uu ku haminayay

Abwaan Khaliif oo ay xabsi ku wada xirnaayeen marxuum Axmed ayaa ka sheekaynaya xaalku sida uu noqday markii danbe.

”Axmed wuxuu ka mid ahaa dhalinyaro badan oo ay soo raafeen masuuliyiintii waqtigaas joogtay safaaradda soomaalida ee Mareykanka iyo qunsuliyadda Soomaalida, marxuumku, muusan haysan warqadda noqoshada balse waxaa dalbatay safaarada ka dib markii ay Mareykanka u xaqiijiyeen inay dhalinyaradan oo gaaraysay 2 kun oo qof, amaankooda damaanad qaadayaan marka dalkii lagu celiyo.

Labo ka mid ah dhalinyaradii laga soo tarxiilay Maraykanka ayaa horey uga ka mid noqday dadkii faraha badnaa ee qaraxii Soobe ku geeriyooday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -