(Daawo Sawirro) Sida RW Khayre & wafdigiisa loogu soo dhoweeyey Dhuusamareeb

Wafdi uu horkacayo Raisul Wasaaraha Somalia Xasan Cali Khayre oo galabta ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb.

Raisul Wasaaraha oo ay wafdigiisa ka mid ahaayeen xubno ka tirsan goleyaasha dowlada iyo saraakiil ayaa waxaa ku soo dhoweeyey garoonka dayuuradaha Dhuusamareeb Masuuliyiinta sare ee Ahlu sunna iyo Wasiirka arrimaha gudaha ee Xukuumada Somalia oo maalmahan halkaas ku sugnaa.

Booqashada Khayre ku tegay Dhuusamareeb ayaa kaa dambeysay markii dowlada Somalia iyo madaxda Ahlu suna ay saacadihii ugu dambeeyey ku gaareen Dhuusamareeb heshiis dhigaya in afarta bisha soo socota la qabto doorashada Madaxweynaha Galmudug ka dib markii uu waqtigii ka dhacay madaxda Galmudug ee hadda xilka heysa.

Khayre oo caawa ku hoyanaya magaalada Dhuusamareeb ayaa kulamo la qaadan doona madaxda ahlu suna iyagoo ka wada hadli doona sidii loo dejin lahaa xiisada siyaasadeed ee Galmudug, loona sameyn lahaa dib u heshiisiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -