Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Shaqaalaha iyo ciidamada Puntland oo cabasho ka muujiyey Maamulka Saciid Deni

Shaqaalaha iyo ciidamada maamulka Puntland ayaa ka cabanaya mushahar la’aan ba’an oo soo food saartay dhowrkii bilood ee u dambeeyey

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa ku fashilmay bixinta xuquuqda shaqaalaha iyo ciidamada.

Deni ayey xog lagu kalsoon yahay sheegeysaa in dhaqaalihii khasnadda dowladda uu isticmaalay barnaamijka diiwaan-gelinta doorashooyinka lagu muransan yahay ee laga wado Puntland.

Shaqaalaha iyo ciidamada qaarkood ayaa xaqiijiyay inaysan mudda dheer qaadan wax mushahar iyo xuquuq ah isla markaana qofkii cabasho gudbiya shaqada laga cayrinayo.

Madaxweyne Deni ayaa Maamulkii ka horeeayay ee Cabdiweli Gaas ku dhaliili jiray inaysan si joogta ah u bixin xuquuqda shaqaalaha iyo ciidamada.

 

Related posts

Dhul gariir xoog badan oo saaka ku dhuftay Jasiiradda Lombok (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Fahad Yaasiin & Cali Guudlawe oo isku dhacay iyo go’aano laga qaadanayo doorashada

Caydiid Ali

Ciidamada booliiska oo saakay Muqdisho ku xiray Wariyaal iyo Sababta oo la ogaaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---