(Sawirro) Heshiis taariikhi ah oo lagu kala saxiixday Jowhar & Cali Guudlaawe oo..

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Hussein ayaa xalay munaasabad casho sharaf ah oo lagu soo gunaanadayay Shirka Nabadeynta iyo Dib u Heshiisiinta Beelo Walaalo ah oo wada dega Degmada Cadale ugu sameeyay magaalada Jowhar.

Munaasabada ay kasoo qeybgaleen Gudoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Baarlamaanka ahna ku-simaha Gudoomiyaha Siraaji Sheikh Isxaaq Xubnaha Labada Gole ee Hirshabelle, Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe, Nabadoonada iyo Waxgaradka labada beelood, Ururada Haweenka iyo Dhalinyarada iyo Masuuliyiin kale.

Cali Guudlaawe ayaa goobjoog u ahaa Heshiis taariikhi ah oo ay kala saxiixdeen Beelahan Walaalaha ah ee Cabdalle Caroone iyo Celi Cumar.

“Gogoshaan oo aan fidiyay caawana aan goobjoog u ahaa Heshiiskan Taariikhiga ah ee laga gaaray Nabadeynta Beelaha Walaalaha ah ee wada dega Degmada Cadale waa ii farxad waxaana marwalba ka shaqeyn doonaa oo aan horey u sii wadayaa dib u Heshiisiinta Bulshada aan hogaamiyo Insha Allah” ayuu yiri Cali Guudlaawe oo labada beelood kula dardaarmay iney si daacadnimo ah u fuliyaan heshiiska, nabadna ku soo dabaalaan degaanadii lagu dagaalamay.

Beelahan ayey colaadoodu muddo dheer ka jirtay degmada Cadale ee gobolka Sh/dhexe iyo degaanada ku dhow, waxaana marar badan dhexmaray dagaalo ay dad badan ku dhinteen, iyadoo colaada ka dhexeysay ay sabab u aheyd dilal aanooyin qabiil oo muddo badan sii jiitamayey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -