Ra’isul Wasaare Abiy Ahmed oo ku dhawaaqay go’aan ka farxiyey shacabka Itoobiya & Eritrea

Shirkadda diyaaradaha Itoobiya ayaa dib u billaabaysaa duulimaadkeedii ugu horreeyay tan iyo sannadkii 1998-dii oo Itoobiya iyo Eritrea uu dhexmaray dagaalkii xadka.

Waxaa shaaca ka qaaday arrintani ra’iisul wasaaraha itoobiya Abiy Axmed xilli uu u munaasabad casho ah oo soo dhawayn ah uu samaynayay wufuud heer sare ah oo Eritrean ah oo boqasho ku joogo dalkaasi.

Kulankan ayaa imaanaya xilli dhawaan Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed uu sheegay inuu dhaqan gelinaya heshiiskii 2002-dii ee lagu soo afjaraya dagaalka xadka.

20 sanno wax xiriir oo dublumaasiyadeed ma lahayn Itoobiya iyo Eritrea

Eritrea ayaa xoriyadda ka heshay Itoobiya sannadkii 1993-dii kaddib markii uu dhexmaray dagaal qaatay 30 sanno balse dagaalkii xadka ayaa socday 5 sanno oo ay ku dhinteen tobbonaan kun oo qof.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -