Faahfaahin: Iska horimaad xalay ka dhacay nawaaxiga degmada Matabaan

Faahfaahino ayaa ka soo baxaya dagaal xalay  degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ku dhexmaray ciidamada amnigga dowladda federaalka iyo Maleeshiyo afduubtay dad shacab ah.

Dagaalka ayaa ka dhacay jidka dheer ee Miir-qaasim ee dhinaca galbeed uga baxa Degmada Matabaan, halkaasoo ay ciidamada Boolisku ku weerareen Koox hubeysan oo jidkoogo u dhigtay gaadiid safar ah oo ka yimid Baladweyne, kuna sii jeeday Gaalkacyo.

Saraakiisha Booliiska ee halkaa gaarey ayaa sheegay  inay fasaxeen gaadiidka halkaas ku xanibnaa, ayna kala eryeen Maleeshiyadii damacsaneyd iney dhac u geystaan,  waxaana dadka la socday gaadiidka ku jiray haween iyo carruur.

Lama oga haddii uu jiro khasaare ka dhashay dagaalkan dagaalka dhexmaray ciidamada dowladda iyo Maleeshiyada hubeysan, waxaana saaka degan goobaha lagu dagaalamay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -