Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo xalay weerar toos ah ka fulisay degmo katirsan Muqdisho

Dagaallamayaal katirsan kooxda Al Shabaab ayaa xalay weerar toos ah ka fuliyay saldhig ciidan oo kuyaalla degmada Kaxda, waxa uuna weerarkan cabsi iyo khal khal badan ku beeray dadka shacabka ah ee degan aagga weerarku ka dhacay.

Sida aan wararka ku heleyno dabley hubeysan ayaa weerar ku qaaday bar koontarool ay ciidamada ammaanka kaga sugnaayeen degmada Kaxda , waxaana halkaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeyay kooxda weerarka geesatay iyo ciidamada ammaanka.

Weerarka Al Shabaab ku qaadeen barta koontarool oo yaalla halka lagu magacaabo Buurta Cali Jannaale ayaa ku bilowday qorayga loo yaqaan sabanka , waxaana xigay iska horimaad  toos ah oo dhax maray kooxda A; Shabaab iyo ciidamada ammaanka.

Lama oga ilaa hadda khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalkamay, waxaana weerarkan oo dhacay xilli saq dhaxe ah oo dadku badi hurdeen cabsi iyo wadna gariir ku riday dadka shacabka ah.

Al Shabaab ayaana marar badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fulisay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, waxaana degmadan muddooyinkii dambe la dejiyay ciidamo badan oo kuwa ammaanka ah , si ay uga hortagaan weerarada iyo falalka kale ay Al Shaaab geestaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xasan Mustaf Dhaayow oo kasoo baxsaday kooxda Al Shabaab uu katirsanaa

Cabdi Cade

Shacabka Muqdisho oo Fariin u diray Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir

Cabdi Cade

Booliska Somaliland oo War ka soo saaray qarax la sheegay inuu ka dhacay Hargeysa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---