Allbanaadir.com
NEWS

Banaan bax rabshado watay oo maanta mar kale ka dhacay magaalada Baladweyne (Sawirro)

Waxaa maanta mar kale magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ka dhacay banaan bax rabshado watay oo looga soo horjeeday Maamulka cusub ee Hirshabelle ay hogaamiyaan Cali Guudlaawe iyo Yuusuf Dabageed.

Shacabka magaalada Baladweyne ayaana isugu soo baxay wadooyinka magaalada Baladweyne, dadkan ayaana ka careesnaa dhalinyaro iyo wariyaal kamid ah dadka degan magaalada oo xabsiga la dhigay.

Banaan baxayaasha ayaa ku dhawaaqayay ereyo ka dhan ah maamulka Hirshabelle, waxa ayna ku baaqayeen in xabsiga magaalada Baladweyne laga sii daayo dhalinyarada iyo dadka kale ee ciidamada xir xireen.

Magaalada Baladweyne ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka socday banaan baxyo rabshado watay oo looga soo horjeeday maamulka Hirshabelle , waxaana shacabka magaaladasai kunool si weyn uga soo horjeedaan maamulka cusub ee Hirshabelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax lagu diyaarinayay guri kuyaala Boosaaso oo gacanta lagu dhigay

Cabdi Cade

Faahfaahin: Qaraxyadii saaka ka dhacay Baraawe & Al-Shabaab oo War ka soo saartay

Caydiid Ali

Sidee Fahad Yaasiin uga jawaabay Su’aalo xasaasi ah oo lagu weydiiyey kulankii Baarlamanka?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---