Faahfaahin: Qaraxyadii saaka ka dhacay Baraawe & Al-Shabaab oo War ka soo saartay

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan qaraxyadii saaka lagu weeraray saldhiga ciidamada AMISOM ku leeyihiin degmada Baraawe ee gobolka Sh/hoose.

Labo gaari oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa saaka lagu weeraray saldhiga oo ku yaalla duleedka Baraawe meel ku dhow garoonka dayuuradaha degmadaas, iyadoo dadka degaanku sheegeen iney qaraxyada ka dib maqleen rasaas xooggan inkastoo aan la soo sheegin iska imaad dhacay qaraxyada ka dib.

Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa sheegay in weerarka ay soo qaadeen Al-shabaab uu fashilmay, lagana hortagay.

“Naftood haligayaal watay 2-gaari oo waxyaabaha qaraxa ay ku ra-ranyihiin ayaa isku dayay in ay gudaha u galaaan Garoonka Diyaarada Baraawe,  marka laga soo tago in iyaga ay dhinteen ma jiro qasaare kale oo ka dhashay qaraxa, ciidamada Xoogga Soomaaliyed iyo AMISOM ayaa si buuxda gacanta ugu haya amaanka Garoonka Maleeshiyaadka Argagixisada shabaab isku day walba ay sameeyaan waxaa hortaagan naftood hurayaaal u shaqeynaya Dadkooda” ayuu yiri guddoomiye Najax.

Al-Shabaab ayaa iyana war ay soo saartay ku sheegtay mas’uuliyada qaraxyadaas, waxayna intaas ku dareen in laba Gaari oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ay ku weerareen xerada, isla markaana ay khasaaro ku isugu jira dhimasho iyo dhaawac gaarsiiyeen ciidanka Uganda oo ka tirsan AMISOM.

Weli si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay qaraxyadan, waxaana degan xaalada degmada Baraawe oo maanta si weyn looga hadal hayo qaraxyadan oo ah kuwii ugu horeeyey ee halkaas ka dhaca tan iyo markii halkaas laga saaray ku dhowaad shan sanadood ka hor.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -