Sidee Fahad Yaasiin uga jawaabay Su’aalo xasaasi ah oo lagu weydiiyey kulankii Baarlamanka?

Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo kulan albaabada u xiran yihiin maanta ku lahaa magaalada Muqdisho, ayaa ku hungoobay inay jawaabo waafi ah ka helaan ku-simaha Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo ka mid ahaa taliyeyaasha Amniga ee la hor keenay Baarlamaanka.

Dhowr Xildhibaan ayaa su’aalahooda ku wAjahay Ku-simaha Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda ee NISA Fahad Yaasiin, waxaana su’aalaha la weydiiyey intooda badan uu uga jawabay inaysan isagu quseyn, in caddeyn loo keeno iyo iney khuseeyaan hay’ado kale oo jawaabtooda iyaga laga rabo.

Su’aalaha la weydiiyey waxaa ka mid ahaa sababta Shiikh Mukhtaar Roobow ay dowladdu u xirtay, isla markaana loo soo taagi la’ yahay maxkamad haddii uu denbiile yahay..?, Ciidamada ka tirsan Hay’adda NISA ee ka cabanayaan mushahar la’aanta iyo cidda ay u xiran yihiin Waddooyinka Muqdisho qaarkood.

Fahad Yaasiin ayaa sheegay in NISA aysan wax lug lah ku lahayn xarigii Mukhtaar Roobow, sababta Maxkamada loo soo taagi waayeyna ay tahay arrin u taalla Hay’adaha Garsoorka oo ay tahay in la weydiiyo iyaga.

Su’aasha kale oo aheyd Mushahar la’aanta ciidamada NISA ayuu su’aal ka keenay isagoo dalbaday in la keeno qof NISA ka mida oo mushahar la’aan ka cabanaya, wuxuuna sheegay in arinta mushaharka ay jawaabteeda leedahay Wasaaradda Maaliyadda, maadaama NISA aysan aheyn heyad dhaqaale.

Mar uu ka hadlayey sababta keentay Wadooyinka xiran ee Muqdisho ayuu ku gaabsaday inay yihiin go’aan guud oo dowladu gaartay oo aan si gaara u khuseyn NISA, ayna tahay in la weydiiyo mas’uuliyiinta sare ee dalka uu ugu horeeyo Madaxweyne Farmaajo, halka amniga dalka uu sheegau in wax laga weydiiyo Taliyaha Booliska.

Xildhibaanada ayaa u arkay in Fahad Yaasiin uu ka weecday inuu toos uga jawaabo su’aalahoodii, kana meermeeray waana markii ugu horeysay ee Fahad Yaasiin lagu arko goob fagaare ah tan iyo markii loo magacaabay ku-xigeenka agaasimaha NISA.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -