Allbanaadir.com
NEWS

Mahdi Guuleed oo raali galin iyo xaal ka bixiyay Hadal uu ku taageeray Farmaajo !!

Ra’isul Wasaare kuxigeenka Xukuumada federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo ka qeyb galaya shirka madasha aragti wadaagga ee ka socda magaalada Garawe ayaa raali galin ka bixiyay hadal uu horey u sheegay.

Mahdi Guuleed ayaana sheegay in raali galin iyo xaalba ka bixinayo hadalkii uu horey u sheegay ee ahaa in Madaxweyne Farmaajo doorashada soo socota ku guuleesan doono wareega koobaad sidii doorashooyinkii horey uga dhacay Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

“ Waxaan rabaa inaan rali-gelin iyo xaal aan ka bixiyo hadal aan horay u iri ee ahaa  Wareega koowaad, Arrinta wareega 1aad raali-gelin iyo xal baan ka bixinayaa, musharixiinta ha biqinina xaal ban ka bixiyay wareega 1aad garoonkana wuu noo furan yahay ee aan u diyaar garoowno doorasho nabad ah ayuu yiri” Mahdi Guuleed.

Hadalkan raali galinta ah markii uu bixiyay Ra’isul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed ayaa hoolka uu shirku ka socday kuna sugnaayeen Musharaxiin badan waxaa is qabsaday sacab iyo sawaxan badan.

Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horey uga carooday hadalkan uu horey u sheegay Ra’isul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya, waxa ayna hadalkaasi ku tilmaameen mid cadeyn u ah in Madaxweyne Farmaajo uu doonayo in uu boobo doorashada .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Ingiriiska oo xoojineysa Taageerada ay siiso Soomaaliya (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dib u eegis lagu sameeyay hannaanka dib u habeynta maamulka Maaliyadda dalka

Cabdi Cade

Dil argagax leh oo ka dhacay Magaalada Hyderabad & Warbaahinta oo hadal heysa (Daawo sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---