Qarax lagu diyaarinayay guri kuyaala Boosaaso oo gacanta lagu dhigay

Ciidamada amaanka maamulka Puntland ayaa caawa gacanta ku dhigay qarax miino oo la sheegay in lagu diyaarinayay guri kuyaala magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

War kasoo baxay ciidamada Puntland ayaa lagu sheegay in ciidamada amaanka fashiliyeen qaraxyo lagu diyaarinayay guri kuyaala magaalada Boosaaso kaa oo la doonayay in lagu waxyeelo shacabka Boosaaso sida ay tilmaameen.

”Ciidamada PSF oo kaashanaya Police qaybta Gobolka Bari ayaa waxay ku guuleysteen inay Fashiliyaan Qaraxyo lagu diyaariyey Guri ku yaala Magalada Boosaso,qaraxaas oo loogu talo galay in lagu waxyeeleyo Shacabka Reer Puntland ee Magalada Boosaso.” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay ciidamada Puntland.

Magaalada Boosaaso ayaa marar badan waxaa ka dhacay qaraxyo miino iyo dilal qorsheesan oo loo geestay waxgarad, saraakiil , ciidamo iyo waliba dad shacab ah, waxa ayna Boosaaso kamid tahay magaalooyinka ugu halista badan ee kuyaala Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -