Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Jidadka Magaalada Beladweyne ee maanta la xiray & dad Xabsiga lagu guray

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa xiray maanta gabi ahaanba wadooyinka waaweyn ee Magaalada Baled-weyne, iyadoo Dadka ku dhaqan Magaaladaas ay saaka ku soo tooseen xaalad ka duwan tii caadiga aheyd.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in ciidamada dowladda & kuwa AMISOM ay saaka hakad galiyeen guud ahaan isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka.

Ciidamadan oo ku hubeysan hubka culus iyo kuwa fudud iyo waliba gaadiidka gaashaaman ayaa argagax galiyay shacabka ku dhaqan xaafadaha magaalada Baledweyne.

Intii uu howlgalka socday ayaa ciidamadan waxay soo qaqabteen in ka badan 10 dhalinyaro oo lagu xiray saldhiga Booliska Magaalada Baladweyne lamana oga ujeedka howlgalka xalay ilaa saakay ka socda Magaalada.

Howlgaladan ayaa imaanaya xili shacab careeysan ay xalay wadadada laamiga ah ee isku xirta magaalada Baledweyne iyo garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif  ay ku jareen dhagxaan fara badan waxaana saaka la arkayay ciidamada oo dhagxaantaasi ka daldalaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Ciiltire oo Muqdisho ku qabtay Khamri iyo rag lagu tuhmayo Shabaabnimo (Sawirro)

Cabdi Cade

Fanaanad la xiray kaddib markii ay wax ka sheegtay Dugsiyo uu Erdogan wax kusoo bartay

Cabdi Cade

Safiirkii Britain u fadhiyey Maraykanka oo kashifay sir u qarsooneyd Trump

Caydiid Ali
Taboola Ads ---