Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Safiirkii Britain u fadhiyey Maraykanka oo kashifay sir u qarsooneyd Trump

Safiirka hore ee dalka Ingiriiska u fadhiyay magaalada Washington ayaa sheegay in sababtii uu Madaxweyne Trump uga baxay heshiiskii Niyukleerka Iran inay tahay, aargoosi siyaasadeed oo ka dhan madaxweynihi isaga xafiiska kaga horreeyay ee Barack Obama.

Sida laga soo xigtay jariirada Mail Sir Kim Darroch ayaa go’aanki Trump ku tilmaamay wax uu ugu yeeray “Kharbudaad Dipmaasiyadeed”

Wargeyska Mail ayaa qormadaan soo daabacay kaddib marki uu iska dhaga tiray digniin uga timid ciidamada sirdoonka oo amray inaanan la baahi karin qoraalada sirta ah ee uu safiirki hore ee Britian u fadhiyay Mareyaknka uga hadlayo Madaxweyne Trump.

Todobaadkii hore ayay aheyd marki uu wargeyskani shaaca ka qaaday qoraal sir ahaa, oo uu danjire Kim Darrch ku sheegay in maamulka madaxweyne Trump uu yahay mid fadhiid ah oo aanan isku kalsooneyn isla markaana aanan waxtar laheyn.

Arrintaas waxay ka careysiiyay madaxweyne Trump, iyadoo marki danbana kalliftay inuu xilka iska casilo danjire Kim Darrch.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Haweeney Booliis ah oo si weyn loogu amaanay Naxariis ay sameysay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaxweyne Biixi oo la kulmay Aline Kuster iyo Wefti ay hoggaamineysay (Sawirro)

Cabdi Cade

(Sawirro) Madaale oo kormeeray xarun KMG ah oo loogu talo galay in la dejiyo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---