Qofkii fuliyey qaraxii dhowaan ka dhacay Koonfurta Gaalkacyo oo la aqoonsaday

Wasiirka amniga dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in la aqoonsaday qofkii fuliyay qarixii ismiidaaminta ahaa ee Gaalkacyo ka dhacay kaasoo lagu laayey saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka iyo dad kale.

Hadalkan ayuu wasiir Fiqi ka sheegay dood su’aalo lagu weydiinayay isaga iyo culimada isla markaana ku saabsanayd nabada.

Fiqi ayaa sheegay in qofka fuliyey qaraxaas uu yahay qof la garanayo oo ka soo jeeda degaanada galmudug, balse waxaa ka gaabsaday inuu ka bixiyo macluumaad intaas ka badan.

Wasiirka amniga Galmudug ayaa sidoo kale sheegay inay hayaan tiro dad ah oo Ku eedeysan inay ku lug ku leeyihiin Qaraxii Gaalkacyo ka dhacay, kuwaasoo uu xusay iney baaritaano ku socdaan.

Qaraxa oo dhacay 18kii bishan ayaa lala eegtay garoonka Cabdullaahi Ciise ee ku yaalla dhinaca Koonfureed ee magaalada, halkaasoo la sheegay inuu ku wajahnaa Ra’isulwasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, iyo wafti uu hoggaaminayo.

Dadka ku dhintay qaraxan, oo la rumeysan yahay inuu fuliyay qof walxaha qarxa isku soo rakibay, waxaa ka mid ah, Taliyihii qeybta 21-aad ee milatariga xoogga Soomaaliya, Janaraal Cabdicasiis Cabdullaahi (Qooje Dagaari), Taliyihii Ciidamada Danab, qeybta Galmudug, Korneyl Muqtaar Cabdi Aadan, Taliye ku xigeenkii ciidanka Danab qeybta Galmudug, Dhamme C/raxmaan Mire Cali iyo duqii hore ee Degmada Gaalkacyo Qeybta Puntland, Maxamuud Yaasiin Axmed (Tumey).

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -