Fanaanad la xiray kaddib markii ay wax ka sheegtay Dugsiyo uu Erdogan wax kusoo bartay

Ciidamada booliiska dalka Turkiga ayaa xabsiga dhigay fanaanad caan ka ah dalkaasi ee Gulsen Colakoglu, waxaana fanaanadan lagu eedeeyay in ay u geftay waxna ka sheegtay dugsiyo diini ah uu horey wax ugu soo bartay madaxweyne Erdogan.

Fanaanadan ayaa kal hore qaab kaftan ah wax uga sheegtay dugsiyada diiniga ah ee kuyaalla Turkiga, waxaana muuqaalka kaftanka ah oo soo galay baraha bulshada abuuray hadal heyn badan iyo carro ka timid dadka qaarkood.

Gulsen Colakoglu, ayaa horey u sheegtay uguna kaftantay in qof kamid ah kooxdeeda uu yahay ”qof ay wax ka qaldan yihiin oo wax kusoo bartay mid kamid ah dugsiyada diiniga ah ee kuyaalla Turkiga”.

Fanaanadan ayaana hadda lagu hayaa xabsi gaar ah, waxaana la filayaa in lasoo taago maxkamad si loogu qaado kiiska dambiga loo heesto oo ah in ay abuureyso naceyb iyo iska horkeenid dadka dhaxdooda ah.

Qoraal ay soo saartay Gulsen Colakoglu, ayey ku raaligalisay dadka ay tilmaantay in sida qaldan u fahmeen kaftankeeda, waxa ayna sheegtay in hadalkeeda rogeen sidoo kale buunbuuniyeen dad doonaya in bulshada kala geeyaan.

Kooxaha mucaaradka ee kasoo horjeeda dowladda Madaxweyne Erdogan ayaa si kulul u cambaareeyay xariga fanaanada, waxa ayna ku baaqeen in si degdeg ah loo sii daayo fanaanada oo ay tilmaameyn in aysan dambi gelin.

Dugsiyadda diiniga ah ee wax ka sheegtay fanaanadan caanka ka ah Turkiga, waxaa wax kusoo bartay Madaxweynaha Turkiga Rejen Dayib Erdogan iyo qaar badan oo kamid ah masuuliyiinta dowladda katirsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -