Puntland oo shaacisay ujeedo qarsoon oo laga lahaa dibad-baxii ka dhacay Garoowe

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa ku tilmaamay mudaharaad shalay ka dhacay magaalada Garowe inuu ahaa qorshe qarsoon oo lagu suurad xumaynayay amniga Puntland.

Deni ayaa sheegay in mudaharaadkaas lagu soo beegay xilli ay Garowe imaanayeen madax kala duwan oo ka socotay dowladda federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaasoo ka qeyb galaya shir ahmiyad weyn xambaarsan oo Garowe loogu doortay amniga ka jira darteed.

Tallaabo cad ayaan ka qaadaynaa shakhsiyaadka soo ababulay mudaharaadkaas oo lagu burburiyay hanti dowladdeed sawir qaldana ka gudbiyay amniga magaalada Garowe” ayuu yiri Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa soo dhoweeyey in shacabbku ay dareenkooda ku muujiyaan banaanbaxyo, balse waxaa uu sheegay inaan  loo dul-qaadan doonin cid kasta oo ku kacda falal qarbudaad ah ama wax u dhimaya xasiloonida.

Shacabka Puntland ayuu ugu baaqay iney iska ilaaliyaan wax uu ugu yeeray shirqoolada cadowga, ayna ilaalashadaan amniga ay heystaan iyo horumarka ka socda degaanadooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -