Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo Goob Fagaare ah ku toogatay Max’med Sidiiq Xuseen

Al Shabaab ayaa fagaare kuyaala deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo ku toogatay nin lagu eedeeyay in uu ahaa saaxir, waxaana ninkan xukun dil ah ku riday kuna fulisay Maxkamada Al Shabaab ee gobolka Gedo.

Ninkan Al Shabaab fagaaraha ku toogteen oo lagu magacaabayay  Max’med Sidiiq Xuseen ayaa lagu eedeeyay in falka sixirka ah ku dhibaateeyay shacabka kunool deegaanka Ceel Cadde iyo deegaano kale oo katirsan gobolka Gedo.

Qaadiga Maxkamada Al Shabaab ee xukunka ku riday ninkan ayaa sheegay in Maxamed Sidiiq uu qirtay in uu dadka ku dhibaateenayay falka sixirka ah, waxa uuna cadeeyay in ninkaasi xukunkiisa noqday in la dilo.

Masuuliyiin iyo saraakiil katirsan Al Shabaab ayaa ku sugnaa fagaaraha lagu fulinayay xukunkan dilka ah, waxa ayna Al Shabaab ugu hanjabeen dadka saaxiriinta ah in sidaas oo kale u toogan doonaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirada cusub ee Gaadiidka & Duulista hawada DF oo amar adag soo saartay (Akhriso)

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay xaalada magaalada Dhuusomareeb iyo isbadal laga dareemayo

Cabdi Cade

Doorashada Lix kursi oo lagu waday in beri la doorto oo dib loo dhigay iyo Sababta keentay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---