Allbanaadir.com
NEWS

Doorashada Lix kursi oo lagu waday in beri la doorto oo dib loo dhigay iyo Sababta keentay

Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Hirshabelle ( SEIT) ayaa shaaciyay in uu dib u dhac ku yimid doorashada lix kursi oo katirsan gollaha shacabka oo lagu waday in berri lagu doorto magaalada Baledweyne.

Qoraal kasoo baxay guddiga doorashada ayaa lagu wargaliyay musharaxiinta iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed in uu dib u dhac ku yimid qabsoomida doorashadii loo madlanaa Maalinta Bari oo ah Sabti 26/02/2022 Sababo Farsamo awgeed.

Doorashada lixda kursi ee dib loo dhigay ayaana guddiga shaaciyeen in la qabanayo maalinta axada, waxaana kurasata dib loo dhigay kala yihiin HOP#006, HOP#022, HOP#003, HOP#032,HOP#252,HOP#068.
 
Dhinaca kale guddiga doorashada Hirshabelle ayaa shaaciyay odayaasha iyo bulshada soo xuleysa saddex kamid ah kuraasta lagu dooranayo Baledweyne, waxaana kuraastaasi ku jira kursi uu u tartamayo Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibragim Macalimuu.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xuutiyiinta oo soo riday Diyaarad lagu qiimeeyay lacag aad u badan

Cabdi Cade

Shacabka kunool Caasimada Tigrey oo loogu baaqay in ay magaalada isaga baxaan

Cabdi Cade

Labo Musharax midkood oo loo saadaalinayo in Madaxweyne ka noqdo maamulka Galmudug 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---