Mid kamid ah Odayaashii soo xulay Baarlamaanka Soomaaliya oo Muqdisho lagu dilay

Waxaa saakay Suuqa Ariga lagu iibiyo oo kuyaala Degmada Dayniile lagu dilay Nabadoon  Cabdi Siyaad Geedi oo kamid ahaa waxgaradka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwii wax kasoo xulay Xildhibaanada waqtigoodu dhamaaday ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa noo sheegay in nabadoonka la dilay xili uu ku sugnaa Suuqa Ariga uu kamid ahaa ganacsatada halkaasi xoolaha gaar ahaan ariga ku iibiya, waxaana nabadoonka lagu dhuftay dhoor xabadood oo sababtay in daqiiqado kadib u geeriyoodo.

Sida aan wararka ku helnay waxaa goobta dilku ka dhacay ka baxsaday kooxdii hubeesneed ee dilka geesatay, waxaana xusid mudan in Suuqa dilku ka dhacay ay joogaan ciidamo amaanka suga sidoo kale Suuqaasi canshuuro ka qaada.

Meydka Nabadoonka ayaa wararku sheegayaan in loo qaaday xarunta Dambi baarista CID-da si halkaasi loogu baaro, waxaana la filayaa in galinka dambe ee maanta lagu aaso qabuuro kuyaala magaalada Muqdisho.

Dilka Nabadoonka ayaa kusoo aadaya xili dalka ku jiro xaalad kala guur ah oo la filayo in dhawaan lasoo doorto Xildhibaanada badelaya kuwa hada waqtigoodu dhamaaday, waxaana horey loo dilay Odayaal iyo ergo badan oo wax ka doortay Baarlamaanka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -