Banaan bax looga soo horjeeday Farmaajo oo saakay ka dhacay Muqdisho iyo Ciidamada oo…

Waxaa saakay banaan bax aysan kasoo qeyb galin dad badan uu ka dhacay Laamiga Maka Al Mukarama gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgooska Dabka iyo Hotelka Wehliye ee magaalada Muqdisho.

Banaan baxan waxaa isugu soo baxay dad kasoo horjeeda Madaxweyne Farmaajo oo isugu jiray Haween iyo dhalinyaro kuwaa oo watay boorar ay kaga soo horjeedeen Madaxweyne Farmaajo iyo in doorashada dhaceysa la boobo.

Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya oo goobta soo gaaray ayaa xoog ku kala eryaya dadkii banaan baxa dhigayay, waxa ayna ciidamada xireen sida aan wararka ku helnay qaar kamid ah dadkii banaan baxa dhigayay.

Dadkii banaan baxa dhigayay oo u badnaa haween iyo dhalinyaro ayaa goobta ka cararay markii ciidamada bilaabeen in ay awood adeegsadaan ayna xir xiraan dadkii banaan baxa hor kacayay.

Banaan baxan ayaa kusoo aadaya xili dhawaan Waqooyiga magaalada Muqdisho ka dhaceen banaan baxyo rabshado sabababay, waxaana banaan baxyada Muqdisho gadaal ka riixaya musharaxiinta kasoo horjeeda Madaxweyne Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -