Musharax Mustaf Dhuxulow oo si Kulul u weeraray Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin

Musharax Madaxweyne Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo xalay ka hadlay kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa si kulul u eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo taliyaha NISA Fahad Yaasiin.

Mustaf Dhuxulow ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo siyaasad xumo dalka ku hogaaminayo, waxa uuna xusay in uu xiriirka u jaray dowlado badan oo Soomaaliya xiriir la lahaa kuna soo koobay xiriirka Soomaaliya dowladaha Erirea iyo Qatar.

Waxa uu sheegay Musharax  Dhuxulow in waxii sanadihii ugu dambeeyay ee wanaag ahaa laga soo shaqeenayay uu baabi’nayo Madaxweyne Farmaajo uuna sameestay dad caaya Madaxda kasoo horjeeda kuna caleemadeeya kuwa dalka dagaal sukeeye galinaya.

Musharax Mustaf Dhuxulow ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo iyo Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida ay ka go’an tahay in dalka iyo dadka Soomaaliyeed god ku ridaan iyaga oo dantooda kaliya eeganaya.

”Farmaajo iyo Fahad waxaa ka go’an in dadka Soomaaliyeed god ku ridaan, waxaa la idinka rabaa in aad ka fikirtaan mustaqbalkiina, iska hilmaama sheekadan ah musharaxiin ayaa wax diidan , Murashaxiin ayaa dhib wada ,waxba kama jiraan ” ayuu yiri Dhuxulow.

Mustaf Dhuxulow ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ay rabaan in talada dalka xoogaan, waxa uuna cadeeyay in aan laga yeeli doonin ayna marnaba yeeli doonin cabsi galin iyo caburin.

Waxa uu sheegay Mustaf Dhuxulow dhibaatada dalka hada ka jirta in ay kamid tahay NISA oo laga xukumayo booliiska, waxa uuna layaab ku tilmaamay siyaasad xumada Farmaajo iyo Fahad ku wadaan dalka.

Ugu Dambeyn Musharax Madaxweyne Mustaf Dhuxulow ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad xoog  iyo sharci ay isaga celin doonaan i ayna marnaba ka yeeleyn in talada dalka xoog kula wareegaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -