Fanaan Caan ka ahaa Soomaaliya oo Geeriyooday iyo Dowlada oo ka hadashay

Ilaah ha u naxariistee waxaa xalay Isbitaal kuyaala dalka Jarmalka ku geeriyooday Fanaanka Caanka ah Cabdi Cali Bacalwaan oo kamid ahaa Fanaaniintii hore ee aadka loo jeclaa.

Fanaanka ayaa la sheegay in uu u geeriyooday Cudurka Covid-19 oo mudooyinkii dambe la il darnaa, waxaana Fanaanka oo maalmahan xaaladiisa lala tacaalayay ugu dambeyn xalay ku geeriyooday isbitaalkii lagu daweenayay.

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya,  Cismaan Abokor Dubbe ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu tacsiyeeyay geerida Cabdi Cali Bacalwaan, waxa uuna sheegay in uu ahaa Fanaan Qaran oo dhaxal uga tagay dadka Soomaaliyeed.

 

Al Fanaan Cabdi Cali Bacaalwaan ayaa ahaa Fanaan qaada heesa kala duwan sida Wadaniga ,Jaceylka, waxa uu sidoo kale ahaa mu’alif heesaha sameeya sidoo kale saara laxamada cajiibka ah.

Fanaaniin badan oo daafaha dunida kala jooga ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid allaha u naxariistee Fanaan Cabdi Cali Baacalwaan , waxa ayna ilaah uga baryeen in janadii fardowso ka waraabiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -