Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo Arrimo muhiim ah kala hadlay Tiina Intelmann (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Tiina Intelmann iyo xubno la socday.

Xamse Barre iyo Danjire Tiina Intelmann ayaa kulan ay yeesheen uga wada hadlay xoojinta mashaariicda horumarineed ee Midowga Yurub ka taageero Dowladda Soomaaliya ,iyadoo lagu saleynayo howlaha hortebinta u leh Dowladda.

Ra’isul Wasaaraha cusub ee xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa kulamo kala duwan la qaadanaya wakiiladda beesha caalamka u jooga Soomaaliya, kuwaa uu kala hadlayo taageerada dowladda cusub.

Xamse Barre ayaa raadinaya taageerada wakiiladda beesha caalamka gaar ahaan dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya , waxaana la filayaa in Ra’isul Wasaaraha kulamo kale la qaato wakiillo kale oo katirsan beesha Caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ushii beesha caalamka oo natiijo culus dhalisay & Farmaajo oo lagu qasbay inuu..

Caydiid Ali

Dowladda oo dedaal ku bixineysa badbaadinta dhallinyaro dil ku xukuman

Cabdi Cade

Mid kamid ah Shaqaalaha Xafiiska R/W Kheyre oo kamid noqday dadkii saarnaa Diyaarada Bur burtay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---