Xildhibaan goor dhow la dilay & faahfaahino dheeri ah ka soo baxaya

Kooxo hubeysan ayaa goor dhow ku dilay Magaalada Gaalkacyo xildhibaan ka tirsan baarlamanka dowlad goboleedka Puntland.

Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Daahir ayaa daqiiqado ka hor waxaa lagu toogtay agagaarka hotelka Classic oo ku yaalla Woqooyiga Magaalada Gaalkacyo sida dad goob joogayaal ay warbaahinta u xaqiijiyeen.

Weerarkan ayaa waxaa sidoo kale lagu dilay askari xildhibaanka ilaaladiisa ka mid ahaa.

Masuuliyiin ka tirsan Puntland ayaa xaqiijiyey in xildhibaanku ku geeriyooday Isbitaalka GMC ee magaalada Gaalkacyo oo dhaawaciisa loola cararay.

Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Daahir oo ka tirsan Xildhibaanada ka soo jeeda gobolka Mudug ayaa muddo lix sano ah ka mid ahaa baarlamanka Maamulka Puntland.

Ragga weerarkan fuliyey ayaa ka baxsaday goobta, waxaana socda howlgalo ay wadaan ciidamada amaanka Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -