Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Xildhibaanadii foodada ka abuuray Doorashadii Aqalka Sare ee Hirshabelle oo talaabo laga qaadayo

Waxaa xalay buuq iyo rabshado hareeyeen doorashada kuraasta mid kamid ah Aqalka sare oo xalay ka socotay magaalada Jowhar, waxaana buuqaasi uu sababay in hoolka doorashada ka socotay lagu kala tago iyada oon doorashada dhamaan.

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Hirshabelle Siraaji Sheekh Isxaaq  ayaa sheegay in ay sii socon doonto doorashada xubnaha Aqalka sare ee harsan , waxa uuna sheegay in talaabo laga qaadayo Xildhibaanadii rabshada sameeyay.

Siraaji Sheekh Isxaaq ayaa sheegay in guddiga anshaxa ee Baarlamaanka Hirshabelle loo gudbiyay dacwad ka dhan ah xildhibaanadii xalay buuqa ka sameeyay doorashadii Aqalka Sare ee ka socotay magaalada Jowhar.

“Tiro kooban oo ka tirsan Xildhibaannadii codeynayay ayaa sameeyay qaab anshax darro ah, Dacwaddooda waxaa loo diray sharciga oo ah meesha lagu kala baxo, xeer-hoosadka inoo yaalla wixii ku qoran ayaa lagu qaadayaa” ayuu yiri Siraaji Sheekh isxaaq.

Gudoonka Baarlamaanka Hirshabelle iyo guddiga doorashada ayaan wali ka hadlin sida laga yeelayo kursigii buuqa ka dhashay xalay xili lagu guda jiray tirinta Codadka ay dhiibteen Xildhibaanada Hirshabelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taiwan oo Haaf Milyan Dollar ugu deeqday maamulka Somaliland (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo guddoomiyay Shir arrimo kala duwan looga hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade

Al Shabaab oo saakay weerar xoogan ku qaaday Saldhig ay leeyihiin Ciidanka Milatariga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---