(Daawo Sawirro) Madaxweyne Laftagareen oo safarkiisii ugu horeeyey ku tegay..

Madaxweynaha cusub ee maamulka Koonfur galbeed C/casiis Laftagareen ayaa maanta booqasho ku tegay magaalada Xudur ee gobolka Bakool.

Laftagareen iyo wafdigiisa ayaa waxaa ku soo dhoweeyey Xudur, Maamulka gobolka Bakool, saraakiisha iyo qeybaha bulshada.

“Waxaa maanta safar ku tagay Degmada Xudur ee Gobolka Bakool, waxaa safarka igu wehlinayay qaar kamid ah wasiirada maamulkeyga, xildhibaano dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka KG, Waxaa si wanaagsan noo soo dhoweeyay shacabka degmada Xudur oo ah dad u bisil dowladnimada iyo maamul wanaaga, Muhiimada safarkeyga ayaa ah in aan indha indheeyo xaalada degaanka iyo guud ahaan mida gobolka, waxaana shacabka u ballanqaadayaa in aan booqan doono dhamaan deeegaanada dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed isla markaana ka shaqeyn doono sidii la iskugu furi lahaa deegaanada loogana xoreyn lahaa argagixisada” ayuu ku yiri qoraal uu Laftagareen soo dhigay bartiisa Facebook.

Waa safarkii ugu horeeyey ee Madaxweyne Laftagareen kaga ambabaxo magaalada Baydhabo tan iyo markii dhowaan loo doortay xilka ugu sareeya Koonfur Galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -