Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka oo sheegay inuu ka badbaaday isku day lagu qaarajin rabay

Waxaa soo baxaya faahfaahin ku saabsan israsaaseyn galabta casar gaabadkii ka dhacday magaalada Muqdisho taasoo ay ku lug lahaayeen ilaalada xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur oo ah Guddoomiyaha Kutlada Baarlamanka ee Horusocod iyo ciidamada NISA.

Xildhibaanka ayaa sheegay inuu ka badbaaday isku day dil, ka dib markii gaarigii uu saarnaa ay rasaas ku fureen Ciidamada Nabadsugida.

“Maanta markii ay saacadu ahayd 5:10pm galabnimo waxaa si bareer rasaas iigu furay Ciidamada NISA xilli aan marayay meel checkpoint ah ka dib markii ay gaarigayga istaajiyeen ina weydiiyeen aqoonsi waana la wadaagay, kaddib waxaay nagu wargeliyeen in aanu socon karno, balse markii aan soo dhaafay 20 Mitir waxaa igu soo bilaabatay rasaas isla askarigi i fasaxay iyo qaar kale oo la joogay ayaa amray gaari nuuca ciidamada oo qori weyn saaran yahay inuu i rasaaseeyo, waxaa xilligaas gaariga ila saarnaa hal askari oo kaliya, weerarkaas qaawan waxaa uu ahaa mid qorshaysan waana allah mahadiis waa nabad qabaa” ayuu yiri Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur.

Ciidamo ka tirsan Ilaalada Xildhibaanka oo goobta soo gaaray markii dambe ayaa iska horimaad kooban uu dhexmaray ciidankii NISA, balse Saraakiil goobtaas ku baxay ayaa xiisada qaboojiyey, mana jiraan wax khasaare ah oo ka dhashay.

Xildhibaanka C/llaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in dhowr jeer oo hore inuu hanjabaado kala kulmay Ciidanka NISA, isla markaana khatartaas uu la wadaagay Guddoomiyaha Golaha Shacabka isagoo dalbaday in baaritaan madax banana lagu sameeyo wixii galabta ka dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Raisul Wasaare Rooble oo safarkiisii ugu horeeyey ku tagaya gobolada dalka

Caydiid Ali

Faah Faahino kasoo baxaya dil loo geestay Ganacsade Cabdi Cali Gareen

Cabdi Cade

Madaxweyne Chakwira oo si murugo leh uga hadlay geerida Wasiiro katirsanaa Dowladiisa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---