Allbanaadir.com
NEWS

Baarlamaanka Hirshabelle oo aqbalay Codsi uga yimid Madaxweyne Guudlaawe (Sawirro)

Baarlamaanka cusub ee dowlad goboleedka Hirshabelle oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Jowhar ayaa meel mariyay codsi uga yimid Madaxweynaha maamulkaasi Cali Guudlaawe Xuseen.

Kulanka Baarlamaanka Hirshabelle yeesheen uu Gudoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Cabdixakiim Luqmaan Xaaji  ayaa looga dooday codsi uu Maadxweynaha Hirshabelle ku dalbanayay in loo kordhiyo mudada magacaabista Wasiirada

Xildhibaanada oo dood ka yeeshay ajandaha kulanka maanta oo ahaa ansixinta codsiga Madaxweynaha Hirshabelle Baarlamaanka soo hor dhigay ayaa ugu dambeyn Xildhibaanada ku ogolaadeen codsiga Madaxweynaha qaab gacan taag ah.

Madaxwweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa heesta 45 cisho uu kusoo magacaabayo golaha cusub ee Wasiirada maamulka Hirshabelle.

 

Related posts

Dad kala duwan oo loo soo xiray dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade

Hogaamiyaha Wadajir oo baaq u Diray Masuuliyiin kale oo ku lug lahaa Weerarkii lagu qaaday

Cabdi Cade

Mashaariic ay ku Baxeyso $ 9 million oo laga fulinayo Muqdisho iyo Magaalooyin kale

Cabdi Cade
Taboola Ads ---