Dad kala duwan oo loo soo xiray dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa howlgalo ay ka sameeyeen qeybo kamid ah magaalada Muqdisho waxa ay kusoo qab qabteen dad badan oo lagu tuhmayo in ay ku lug lahaayeen dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho.

Taliyaha Hogaanka canshuuraha ee ciidanka booliska Jeneraal Cabdullaahi Xasan Bariise oo Warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyay in ciidamada soo xireen dad kala duwan oo lagu tuhmayo in ay ku lug lahaayeen dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Caasimada.

Ciidamada booliiska ayaa soo xiray su’aalana weediinaya 8- askari oo lagu tuhmayo in ay ku lug lahaayeen dil maalmo kahor magaalada Muqdisho loogu geestay Deeqa Daahir Cagadahab oo aheyd 9-sabo jir ardayad ah.

Waxa ay sidoo kale ciidamada booliiska soo qabteen dad lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen dil argagax leh oo shalay nin rayid ah loogu geestay degmada Yaqshiid, dilkan ayaana salka ku hayay muran ka dhashay guur dhax maray lamaane is doortay.

Dadka lasoo xiray ayaa lagu tuhmayaa in baangado iyo mindiyo ku dileen kadibna dab qabadsiiyeen Marxuun Axmed Muqtaar Saalax oo garaash baabuurta lagu sameeyo ku lahaa Xaafada Towfiiq ee degmada Yaqshiid.

Ciidamada booliiska ayaa sidoo kale galabta soo xiray sadex askari oo ilaalo u ahaa sargaal katirsan ciidanka Milatariga Soomaaliya, ciidankan ayaana si bareer ah maanta Muqdisho ugu dilay Wiil dhalinyaro ah oo u shaqeenayay dowlada Hoose ee Xamar.

Taliska ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa sidoo kale maanta dad kala duwan usoo xiray gabar Ardayad aheyd oo lagu dhax dilay gudaha Jaamacada Soomaaliya, waxaana dadka lasoo xiray ku jira Ilaalada Jaamacada , Macalin iyo dad kale oo la tuhmayo.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa u muuqda mid sii xumaanaya maalmihii lasoo dhaafay, waxaana magaalada ka dhacay dilal kala duwan oo ay geesanayeen kooxo hubeesan iyo ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -