Hogaamiyaha Wadajir oo baaq u Diray Masuuliyiin kale oo ku lug lahaa Weerarkii lagu qaaday

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo xalay kulan gaar ah hoygiisa kula qaatay Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa aqbalay raali galin uga timid Kheyre.

Xasan Cali Kheyre ayaa ka raali galiyay Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir weerar lagu qaaday hoygiisa kaa oo sababay in la dilo qaar kamid ah ilaaladii gurigiisa sidoo kale ciidamada dowlada ku eedeeyay Mr Warsame in hanti badan ka qaateen.

”Waxaa  xarunta Xisbiga Wadajir nagu soo booqday Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya, ahna musharrax madaxweyne Md Xasan Cali Kheyre. Kheyre wuxuu cudurdaar iyo raalli gelin ka bixiyey weerarkii 17-kii Dec 2017.” ayuu yiri Hogaamiyaha Wadajir.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale ugu baaqay masuuliyiinta kale katirsan Dowlada Soomaaliya ee ku lug lahaa weerarkii lagu qaaday hoygiisa in ay cudurtaartaan kana raali galiyaan dhibkii loo geestay.

 

- Advertisement -