Taliyaasha Ciidamada Milatariga iyo Booliiska Soomaaliya oo gaaray Gaalkacyo iyo Bandow…

Waxaa maanta Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee maamulka Galmudug gaaray taliyaasha Ciidamada Milatariga iyo Booliiska Soomaaliya, saacado kadib markii magaaladaasi uu ka dhacay qarax noloshooda ku waayeen saraakiil ciidan iyo dad shacab ah.

Taliyaasha ciidamada Milatariga iyo booliiska Soomaaliya ayaa magaalada Gaalkacyo u tagay in ay ka qeyb galaan aas balaaran oo magaaladaasi loogu sameenayo saraakiil katirsan ciidanka milatariga oo shalay ku dhintay qaraxii ka dhacay Gaalkacyo.

Qaban qaabada aas loo sameenayo saraakiishii shalay ku dhimatay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Koonfurta Gaalkacyo ayaa halkaasi ka socda, waxaana maanta aad loo adkeeyay amaanka magaaladaasi.

Aaska loo sameenayo saraakiishii lagu dilay qaraxii shalay dhacay ayaa la filayaa in ay ka qeyb galaan R/Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynaha Galmudug, taliyaasha ciidamada milatariga iyo booliiska iyo masuuliyiin kale.

Amaanka Koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaana maanta si weyn loo adkeeyay, waxaana bandow lagu soo rogay qeybo badan oo magaalada kamid ah ay xiligan ku sugan yihiin Madaxda Dowlada federaalka iyo kuwa maamulka Galmudug.

Qaraxii shalay ka dhacay Koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa naftooda ku waayay saraakiil sare sare oo katirsanaa ciidanka milatariga Soomaaliya, waxaana qaraxan saameyntiisa wali si weyn looga dareemayaa magaalada Gaalkacyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -