Ciidamada Dowlada oo hareereeyay Guryaha ay Degan yihiin Musharaxiinta Mucaaradka

Waxaa saakay qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho lagu soo daadiyay ciidamo badan oo loogu tala galay in ay kahor tagaan banaan baxyo laga cabsi qabo in ay ka bilowdaan qeybo kamid ah magaalada.

Ciidamada ayaana xiray wadooyin badan oo kuyaala magaalada Muqdisho, waxa ayna ciidamada xayireen gaadiidka wadooyinka isticmaali jiray iyagoona dadka ku qasbaya in ay lugeeyaan.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada amaanka ayaana saakay la dhigay goobo ku dhaw dhaw guryaha ay Muqdisho ka degan yihiin qaar kamid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya gaar ahaan kuwa kasoo horjeeda Madaxweyne Farmaajo.

Ciidamadan ayaana la dhigay saakay Laami yaraha Zoobe, Isgoyska Ceel Qalaw, Macruuf, agagaarka Somalia Airline, wadooyin dhoor ah oo kuyaala xaafada Buulo Xuubey gaar ahaan dhanka garoonka Adan Cadde .

Goobahan ciidamada la geeyay ayna hareereeyeen ayaa waxaa degan qaar kamid ah Musharaxiinta mucaaradka oo ay kamid yihiin Sheekh Shariif, Xasan Sheekh, Xasan Cali Kheyre iyo C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Wali lama oga Ujeedka dowlada ciidamadan saakay u geesay meelo aan ka fogeyn xarumaha ay degan yihiin Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya gaar ahaan kuwa xiligan sida weyn uga soo horjeeda Madaxweyne Farmaajo .

Dowlada Soomaaliya ayaa ka cabsi qabta in magaalada Muqdisho ka dhacaan banaan baxyo looga soo horjeedo Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana banaan baxyadan abaabulaya Golaha Midowga Musharaxiinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -