Shacabka magaalada Muqdisho oo Cabsi iyo Walaac xoogan uu lasoo darsay 

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa aad uga walaacsan in magaalada ka dhacaan rabshado iyo banaan baxyo sababi kara isku dhacdo ay waxyeelo kasoo gaarto dadka shacabka.

Qaar kamid ah shacabka magaalada Muqdisho oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ka walaacsan yihiin xaaladaha kasoo cusboonaaday magaalada Muqdisho gaar ahaan banaan baxyada rabshadaha wata.

Waxa ay sheegeen shacabka in xiligan aan loo baahneyn in magaalada laga abuuro khalalaase, waxa ayna ugu baaqeen siyaasiyiinta Muxaafidka iyo kuwa mucaaradka in shacabka korkooda aysan ku gor gortamin ayna raadiyaan xal kale .

”Cabsi xoogan iyo walaac ayaan ka qabnaa in magaalada ka dhacaan banaan baxyo rabshado wata oo lamid ah kuwii isniintii ka dhacay Muqdisho, magaalada diyaar uma ahan xiligan rabshado iyo dagaal, waxaana leenahay raga is haya si kale arintiina ku xalista ee yaanan noola horseedin colaad dambe” ayuu yiri oday kamid ah dadka Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ayaa laga cabsi qabaa in ay ka dhacaan banaan baxyo rabshada wata oo dowlada looga soo horjeedo, waxaana banaan baxyadan abaabulaya siyaasiyiinta Mucaaradka gaar ahaan Musharaxiinta kasoo horjeeda Madaxweyne Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -