Madaxweyne Waare oo si weyn loogu soo dhaweeyay Dhuuso Mareeb (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa maanta gaaray magaalada Dhuuso Mareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Wafdiga Madaxweyne Waare waxaa garoonka diyaaradaha Dhuuso Mareeb kusoo dhaweeyay Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya, Xildhibaano katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka, Madaxa Xukuumada Galmudug iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle ayaa magaalada Dhuuso Mareeb kula kulmi doona Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan halkaasi iyo madaxa Xukuumada Galmudug.

Sida aan Wararka ku helnay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa u yeeray Madaxweynaha Hirshabelle si xal looga gaaro beelo wada dega gobolka Hiiraan oo marar badan halkaasi ku dagaalamay.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa inta uu joogo magaalada Dhuuso Mareeb kulamo kala duwan la qaadan doono madaxda halkaasi ku sugan , waxaana inta badan wadahadalada diirada lagu saari doonaa xalinta colaada labada beel u dhaxesa.

- Advertisement -