Lafta Gareen oo magacaabay Guddi baara dilal naxtin lahaa oo ka dhacay Baydhabo

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa magacaabay Guddi baaris ku sameeya dhacdadii lagu dilay labo caruur ah uu dhalay Xildhibaan hore.

Guddigan uu magacaabay Madaxweyne Lafta Gareen ayaa baaris qoto dheer ku sameyn doona kiiska dilka labada caruurta ah oo loo xiray lix qof , waxaana muran xoogan ka dhashay sida uu u dhacay baaris booliiska ku sameeyeen kiiskan.

Labada caruurta ah ee la dilay oo kala ahaa wiil iyo gabar ayaa dilkooda argagax badan ka abuuray magaalada Bayhabo, waxaana kiiska dilkaasi lagu tuhmayaa in ay fulisay haweeney uu horey u qabay aabaha dhalay caruurtaasi.

Halakn ka Akhriso magacyada guddiga la magacaabay

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -